Posts

Maxay ka wada hadleen madaxweynaha somaliland io Ra'iisul wasaaraha Qatar

Image
  Wafti uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogay dalka Qadar, halkaasi oo ay kula kulmeen mas'uuliyiin ka mid ah dawladda Qadar oo uu ku jiro Ra'iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Bin Jasim Al-Thani. Socdaalkan ayaa waxa uu noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Somaliland ahi uu ku tago dalka Qadar. Wasiirka madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi ayaa BBC-da uga warramay socdaalka madaxweynaha oo uu sheegay mid ay uga gol lahaayeen raadinat iskaashi dhaqaale oo ay Somaliland la samaysato dalka Carbeed ee Qadar. "Ujeeddada socdaalkaygu waxay qayb ka ahayd safrro uu madaxweyuhu muddooyinkii la soo dhaafay ku tagayay dalal dhowr ah. Tan ugu weyni waxa ay ahayd sidii ay Somaliland iskaashi ula yeelan lahayd waddamada adduunka. Hore waxa aanu u tagnay Imaaraadka Carabta, Jabuuti i...